YAA KA DAMBEEYA KHILAAFKA JAALIYADA HOLLAND EE SOMALILAND?

DHIBAATO KA TAAGAN JAALIYADA DALKA HOLLAND/NETHERLAND EE SOMALILAND .

Waxaa jir dhawr xaaladood oo dhibaatooyin kala duwan ah oo haysta jaaliyada Somaliland ee dalka Holland kuwaas ay ka mid yihiin .

  1. Ugu horeyn dhibaatada jirtaa waxay tahay in gudoomiyaha iyo gudida ku magacaaban jaaliyada sanado ka hor uu wakhtigii la doortey ka dhamaadey balse nasiibdarada jirta aaney habayaraatee gudoomiyaha iyo gudiduba aaney in doorasho la qabto ogolayn xitaa mustaqbalka waxaanay noqotey meel kelitalisnimo ka jirto oo tiro koobani ku tagrifasho awooda jaaliyada weliba si gaar qaar ka mid ah gudida musdanbeedka ayaa Maxamuud Digaale ku dhiirigeliya in isku hayo labada xilba hadey tahay ka jaaliyada Holland iyo ka wakiilka Somaliland ee Hollandba oo uu hada yahay. Waxaana jirta in qurbajooga Somaliland ee Holland ay dhibaatooyinka ka haysato warqaaha wakaaladaha oo gudoomiyihi ugu diido sababo kala duwan taas oo niyad jab ku ah muwaadiniinta Somaliland ee reer Holland ee wadankooda Somaliland jecel waxaana bulshada qurbajooga ku imanaya kala fogaansho iyo furfur. Waxaa kale oo la yaableh in Maxamuud Digaale oo isku haysat labada jago ee gudoomiyaha jaaliyada Holland iyo wakiilka Somaliland ee Holland uu inta badan ka maqanyahay wadanka Holland sababa la xiriira shaqadiisa gaarka ah sidaa daraadeed aanu wakhtiba u hayn labadan shaqo, balse hadana aanu ogoleyn xitaa in uu mid baneeyo labada jago ee ah gudoomiyaha iyo wakiilka Holland,.
  2. Dhibka kale ee aad u weyn ee jiraa waxa weeye jaaliyada waxaa gudoomiye ka ah wakiilka Somaliland u jooga wadanka Holland taas oo carqaladweyn iyo awood sheegayso baahsan sababtey ( Conflict of Interest ) waxaase khalad aad u weyn ah in waaxda qurbajooga iyo wasaarda arimaha dibadaba uu ugu diiwaan gashanyahay Maxamuud Digaale labadaa jago ee ah gudoomiyaha jaaliyada dalka Holland iyo wakiilka wadanka Holland taas oo meel ka dhac ku ah hufnaanta nidaamka dawliga ah ee Somaliland iyo sidoo kale hufnaanta kalsoonida leh ee wadashaqeynta qurbajooga Somaliland iyo wasaarada arimadibada , waana in jaaliyad kastaa u madaxbanaantahay hawlaheeda shaqo isla markaana ay wada shaqeyn fiicani ka dhaxeysaa safiirka amaba wakiilka Somaliland ee wadankaa, waxaa kale oo arinkan gudoomiyaha jaaliyada iyo wakiilkaba ahi uu khilaafsanyahay nidaamka jaaliyadaha wadamada qaarada yurub iyo dimuqraadiyada waana mid carqalad yo sumcad xumo ku ah qadiyada ictiraaf raadinta iyo guud ahaanba qaranka Somaliland waana in wasaarada arimaha dibadu degdeg wax uga qabataa arintan iayada ah oo labada jago mid uun u diiwaan gelisa Digaale , sidoo kale waa in dadka jaaliyada Somaliland ee Holland ay shiraan oo si daahfuran u doortaan cida hogaaminaysa jaaliyada Holland.
    Waxaana jirtay in marar hore gudoomiye jaaliyadeed oo wadamada Yuruba ah ay dawalda Somaliland usoo magacawdey wakiil amaba Safiir tusaale ahaan Sakariye Wacays oo ahaa gudoomiyihii hore ee jaaliyada Sweden oo markii loo soo magacaabey wakiil iska casiley xilkii jaaliyada iyo sidoo kale Cabdiraxmaan Yaasiin oo markii loo soo magaacbey wakiil ku xigeenka wadanak France iskal casiley xilkii hore kuna ekaadey oo qudha wakiil ku xigeen isaga oo mudo ka bacdi noqdey wakiilka dalka Faransiisaka ee Somaliland waxaasi oo dhami waxay tusaale cad u yihiin nidaamka iyo habdhaqanka jaaliyadaha Somaliland ee Yurub taas oo baal marey gudoomiyaha Holland oo weliba halkii uu ku wareejin lahaa gudoomiye ku xigeenka Axmed Aaden uu meesha ka saarey Axmed laftiisa, taasoo muujinaysaa heer ay gaadhsiisantahay kelitalisnimada iyo ku takrifalka awoodii ee ka jirta jaaliyada bulshada Somaliland ee wadanka Holland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *