Sida Lacag Loo Sameeyo 5 Qaab Oo Online Lacag Looga Sameeyo

1. Ku samaynta lacag Google Adsense.

Adsense waa barnaamij ay maamusho Google. Google wuxuu u shaqeeyaa sidii dalaal ka dhexeeya dadka iibsada xayaysiisyada website kaaga markaad adsense ku xidhato web kaaga iyo mareegaha dadka kale. Haddii aad leedahay website ka ay xayeysiisyadu ku jiraan, waxaad helaysaa lacag marka dadku gujiyaan xayaysiiska website kaaga kasoo muuqan doona.

Waxaa jira laba nooc oo xayeysiis ah oo aad ku soo bandhigi karto mareegahaaga ama website kaaga — xayaysiisyada qoraalka ku saleysan iyo xayaysiisyada (sawirka). Midka aad dooratidba adiga ayay kugu xiran tahay. Laakiin haddii aad leedahay degel internet ah oo booqasho fiican helaya, Adsense waa hab fiican oo lacag looga sameeyo website kaaga.

Ha ku kadsoomin inaad ku fikirto inaad lacag yar oo kaliya ka samayn karto Adsense. Dadka qaarkood waxay sameeyaan kumanaan doolar bishii iyagoo Adsense dhigaaya goobaha ay iyagu leeyihiin sida website yadooda ama blogs-kooga. Saameyntu waxay noqon kartaa mid weyn oo faa’ido badan aad ka hesho, gaar ahaan haddii aad leedahay bogag macluumaad ama qoraallo la lagusoo daabaco dad badana soo booqdaan.

2. Ku iibinta ebooks ee Amazon

Amazon waa goob dad badan fursad weyn u noqotay gaar ahaan kuwa buugaagta yar yar qora, Tusaale hadaad qorto buugaag Ebooks ah oo mawduucyo la xiisaynayo ku saabsan Amazon waa goobta saxda ah ee aad ku iibin karto dhaqaalena aad ka sameyn karto.

Waxa jira dad badan oo buugaagta Ebooks ka si joogto ah u daabaca kadibna Amazon Ku dhex iibiya ugu yaraan sanadkuu laba abuug bay soo saaraan dadkaasi kaliya waxa looga baahan yahay qofka inuu suuq-geyn u sameeyo buugiisa iyo xayaysiis waana mida dadkaasi ay sameeyaan, Dabcan soomaali badan baa buugaag ku dhex iibisa Amazon adiguna waad ka mid noqon kartaa maanta wax diidaya majiraan.

3 Sameyso Shirkad Website-yada Sameysa

Dabcan waxad samaysan kartaa shirkad Website-yada sameysa haddii aad aqoon u leedahay sida website-yada loo sameeyo iyo IT-ga.

Dhib malahan haddii aanad aqoon u lahayn sida website yada loo sameeyo waxad qaadan kartaa koorso 6 bilood ah ama 2 bilood ah oo sifiican aad u baranaysid wax aad u adagna maahan oo way iska fududahay ama adaaba is bari kara adigoo youtube casharada lasoo galiyo ka faa’ideysanaya.

Intaa kadib waxad u baahan tahay inaad iibsato Hosting Weyn oo website yada aad ku sameyso goobaha aad ka iibsan karto waxa kamida Godaddy, Hostinger, Siteground etc. Dabcan Server xataa waad iibsan kartaa si aad website yada ugu hosting gareyso wuuna kaaga jaban yahay Hosting kaliya markaad iibsanayso oo hosting ku limits buu leeyahay godaddy baa ugu badan hosting plan ka uu bixiyo waa 50 websites ayaad ku sameyn kartaa Godaddy Hosting Maximum baa la dhahaa biloga waad ku bilaabi kartaa laakiin baadhitaan samee si aad u doorato shirkada kugu haboon ee aad hosting ka iibsan karto.

Waa hubaal waa ganacsi guulaysta ayuu kuu noqon karaa hadaad dhaqaale yar aad ku maal galiso ilaa 1,500 dollar Ama ka yar, Halkii Qof ee aad website u sameyneysid waxad ka qaadaysaa 350 – 580 Dollar adaa dooran karaa qiimayaasha kugu haboon.

Goobaha Ganacsiyada ayaad website yada u sameyn kartaa adigoo sameynaya muuqaan xayaysiis ah oo aad ku faah-faahinayso inaad website yada u sameysid meelaha ganacsiga kadib way kaaso dalbanayaan markay arkaan xayaysiiskaaga.

4 Sameyso Youtube

Waxad samaysan kartaa youtube channel kadib dooro Niche ama mawduuc aad ku fiican tahay shayga aad ku fiican tahay wuu kuu fududaanaya dhanka shaqada.

Youtube channel kaaga ku dadaal ilaa aad shuruudaha ka buuxinaysid dabcan shuruudaha waa 1000 Subscribe Iyo 3000 Saacadood iyo Shorts Views: 3 Million ah, Dabcan waxay u muuqataa inay adag tahay laakiin waa wax fudud xataa usbuuc aad ku buuxin karto haddii mawduucyo cusub aad la timaado iyo dardar kulul aad suuqa lasoo gasho waad sameyn kartaa haddii aad istcmaasho muuqaaladaada original ka ah hadaanad kaamerada ku fiicnayn iyadoon wajigaaga la arkayn baad muuqaalo ka saleyn kartaa codkaaga adigoo adeegsanaya clips free Copyright ah iyo sawiro.

Isku day inaad youtube ka daawato sida youtub channel loo sameeyo halkaas waxa kaaga horeeya macalimiin si bilaash ah u sharaxaya waxa aad rabto oo 30 daqiiqo gudahood baad ku fahmi kartaa mawduuca dhanba halkan kaliya si dulmar ah baan usoo tabinay maadaama qoraalka uu dheeranayo dadkuna aysan jeclayn akhriska, Wabillahi Tawfiiq.

Waxan Rajeynaya inaad ka faa’ideen mawduucan kooban ee intii karaankayga ah aan idiinku soo koobay 4 qaab oo online ka lacag looga sameeyo, Waa hubaal hadaad dadaal dheerad ah aad muujiso inaad hadafkaaga aad gaadhi doontid inshaa allah, ‘Mahadsanidiin.

By Horseed News

Waxa Qoray: Abdirahman Mahamed

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *