Saturday, April 27News That Matters

Sida Online Ka Lacag Looga Sameeyo 4 Qaab Oo Lacag Badan Lagu Sameeyo

Waayahan dambe aduunyadu hore mar ayay gaadhay gaar ahaan dhanka technology-yada iyo ganacsiga sida aan wada ognahayba samankan aan joogno qofku haddii uu rabo inuu ganacsade uu noqdo uma baahna inuu bakhaar ama goob ganacsi uu furto.

Kaliya waxad u baahan tahay internet iyo laptop ama Telefoonada casriga ah iyo inaad website aad sameysato ama app alaabtaada aad ku iibiso, Mawduucan ma quseeyo sida website loo sameeyo laakiin waxan diiraga ku saari doona 4 qaab oo fudud isla markaana aad ganacsi xor ah ku abuuri kartid hadaba isoo raac.

1. Work Remote Meel fog ka shaqee.

Maadaama shaqada Work Remote ay noqotay mid caan ah sannadihii u dambeeyay, Oo qofku isagoo gurigiisa jooga uu ka shaqaynayo shirkado caalamka ku yaala adoo adeegsanaya computer kaaga shaqooyinkaas way noocyo badan yihiin qaarbaa latalin ah halka kuwa kale ay yihiin inaad dhanka amaanka ee cybersecurity u qaabil sanaato shirkado caan ah iyo bangiyo waa haddii aqoonteeda aad leedahay oo shahaadooyin fiican aad haysato,

Waa macquul adoo shahaadooyin haysan inay ku qaabilaan oo shirkad australia ku taala aad u shaqeyso waxay ku xidhan tahay aqoontaada iyo khibradaada iyo waayo aragnimada aad u leedahay shaqadaas.

Isku soo wada duub oo work remote macnaheegu waa inaad adoo qolkaaga dhex fadhiya aad ka shaqayso shirkado ku yaala 7 qaaradood ee aduunka mushaharkaagana laguu soo dirayo waaba intaas.

2. Ku iibi alaabta ama adeegyada online.

Lacag ku samee guriga adoo ka faa’iidaysanaya xirfadahaaga ama waxyaabaha aad jeceshahay. Hamigaaga u beddel ganacsi adiga oo dejinaya dukaan onlayn ah ama ku iibinaya alaab tayo leh mareegaha sida Etsy, amazon eBay, ama Fiverr. Waxa kale oo aad kor u qaadi kartaa oo aad ku iibin kartaa alaabtaada mareegahaaga ama goobaha warbaahinta bulshada sida baraha bulshada (social media) adigoo ku xayaysiinaya alaabta aad gadayso si aad macaamiil u hesho.

3 Bilow Suuqgaynta Alaabaha Affiliate Marketing

Affiliate Marketing macnihiisu waa suuqyanta alaab aab aanad lahayn oo shirkado kale iska leeyihiin adigoo xayaysiin ku sameynaya product-yadooda ama alaabtooda kadibna komishan ayay kugu siinayaan.

Tusaale waxa jira dhowr shirkadood oo bixiya adeegan idiina dhaxeynaya adiga iyo mulkiilaga alaabta waxa kamida shirkadahaas Click Bank, Digistore24 iyo amazon affiliate iyo qaar kaloo badan

Kaliya Waxaa lagaa rabaa website yar inaad sameysato ama facebook page dad badan ku xidhan yihiin kadibna alaabta aad xayaysiinayso aad usoo bandhigto hadii hal qof kaa iibsado waxad ku leedahay komishan badan oo ku dhawaad %70 waa clcik bank oo kaliya waxa komishankiisa badan yahay amazon ayaa ugu komishan yar kuwa kalena way iska fiican yihiin – waxa muhiim ah intaadan ganacsigan bilaabin inaad iska hubiso komishanka ay bixiyaan inta uu la’eg yahay si aanad ugu kadsoomin. Horseednews.com

4 Dropshipping Sameyso Shopify oo alaabta ku iibi

Droppshipping waa qaab casri ah oo alaabta online loogu iibiyo adiga lagaama rabo alaab inaad haysoto laakiin shirkadaha alibaba iyo aliexpress ayaad alaabtooda website kaaga aad soo gelinaysa kumanaan alaabood kadib qiimaha ay ku iibinayan waad badalaysa oo waxbaad dul saaranaysa kadibna sidaas baad ku iibinaysa oo aad u suuq gaynaysa waana ganacsigii aad taqaanay ee wax la dul saaran jiray alaab suuqa taala.

Waxa ugu muhiimsan waa inaad haysato maal-galin yar oo aad ku sameysan karto website aad alaabta ku iibiso iyo facebook, tiktok, instagram bulsho badan ku xidhan tahay hadayna cidna ku xidhnayna dhib malaha adaa is bari dadka kadib sidaas ayaad macaamiil ku heli

FG: Ganacsiga dropshipping wuu dhib badan yahay qofku marku alaab ka dalbadana 3 usbuuc ayay qaadata inuu helo alaabtii ama ka badan tan oo ka dhigaysa inuu macmiilku dib dambe uusan waxba kaaga iibsan sababtoo ah dadku iyagoo alaabta aad hayso haday amazon ka dalbadaan 3 maalmood loogu keenayo maxaa ku kalifaya alaab bil ka maqnaanaysa ileen website kaaga ayay ka dhex arkayaan inta alaabtan ay maqnaanayso laakiin hadaad dadaal badan aad sameyso oo aad doorato suppliers yurub iyo meelo dhow dhow ku yaala waa hubaal way ka dhakhso badnaanayaan ( Suppliers waa bakhaarka alaabtiisa aad iibinayso) Markaa waxan kugula talinaya inaad ka feejignaato ganacsigan oo hadaad galaysona alaab kooban oo deg deg dadku u helayaan aad doorato.

Mahadsanid Fadlan Lawadaag Asxaabtaada Si ay Uga Faa’ideystaan.

By Horseed News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *