Raga Kacsigu Ku Yaraaday Oo Daawo Dabiici Ah Loo Helay Gabadhana ilin Ka Keeni Kara

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa lagu sheegay in ragga da’da ah ee ka cabanaya heerka hoose ee hormoonka “testosterone” ee ragga uu hoos u dhacay rabitaanka galmada, waxaana la ogaaday in markii ay heleen hormoonka ragga uu kor u kacay rabitaanka galmada, cilmi-baarayaashu waxay

sheegeen in awoodaha galmada Kuwa helay daawaynta testosterone waxay wanaajisay toban ka mid ah 12 cabbirka dhaqdhaqaaqa. Galmada marka la barbardhigo ragga aan isticmaalin hormoonkan .

“Waxaan aragnay kala duwanaansho caafimaad oo muhiim ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa galmada iyo rabitaanka,” ayuu yiri cilmi-baare hormuudka ah Glenn Cunningham, oo ka tirsan Baylor College of Medicine iyo St. Luke’s Baylor Medical Center ee Houston, Texas kaas takhasus dheerad ah u leh wasmada iyo qaababka loola tacaalo.

Heerarka testosterone ayaa hoos u dhaca marka ragga da’doodu yara waynaato wixii 40 ka sareeya, taasoo keenta hoos u dhaca dhaqdhaqaaqa galmada iyo waxqabadka amaba inuu qofku qalbiga wax ka waso oo uu ku hamiyo galmo.

Cilmi-baadhayaashu waxay ku sheegeen joornaalka Endocrinology and Metabolism in daawaynta testosterone ay horseedday hagaajinta dhaqdhaqaaqa galmada ee ragga da’da yar ee la ildaran heerarka hoormoonka hooseeya taasoo ka dhalatay cudur ama ay heleen daaweyn gaar ah. Laakiin lama ogayn in daawadu ay ku shaqayn doonto ragga da’da ah iyo in kale.

Daraasada ayaa waxaa ku jiray 470 rag ah oo da’doodu ka weyn tahay 65 sano, kuwaas oo dhammaantood la ildaran heerarka testosterone oo hooseeya waxayna lahaayeen lammaane diyaar u ah inuu galmo sameeyo ugu yaraan laba jeer bishii.

Celcelis ahaan heerarka hoormoonka ee kooxda isticmaala daawaynta ayaa kor u kacday ku dhawaad ​​labanlaab, taas oo ah, heerka loo arko inay caadi u yihiin ragga da’doodu u dhaxayso 19 iyo 40 sano.

Si kastaba ha noqotee, heerarka testosterone sare lama xiriirin kartida lagu gaaro kacsiga.

Dr. Jane O’Brien, oo ah khabiir ku takhasusay cudurrada kaadi mareenka oo ka tirsan Jaamacadda Rochester Medical Center ee New York, ayaa sheegtay in natiijooyinka ay xaqiijinayaan waxa ay khubarada kaadimareenka ka shakiyaan, iyada oo xustay in daaweynta testosterone “aysan xallin doonin dhammaan dhibaatooyinka, laakiin waxay kordhin doontaa rabitaanka galmada.”

Laakiin Stephen Himes, oo madax ka ah Waaxda Endocrinology iyo Sonkorowga ee Xarunta Caafimaadka ee Jaamacadda Rochester, ayaa xusay in hagaajinta heerka jinsiga uusan ahayn mid muhiim ah.

Horseednews.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *