Saturday, April 27News That Matters

War-saxaafadeed: Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u ambabaxay ka qayb galka shir madaxeedka Midowga Afrika ee Addis Ababa

Muqdisho, HORSEEDNEWS;COM – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u safray magaalada Addis Ababa si uu uga qeybgalo shirka 37-aad ee caadiga ah ee Golaha Midowga Afrika, kaasoo la qorsheeyay inuu socdo 17-18 Febraayo 2024.

Isu imaatinka muhiimka ah wuxuu bixiyaa madal looga wadahadlo arrimaha muhiimka ah ee qaaradda horyaalla, oo ay ku jiraan nabadda iyo amniga, isdhexgalka dhaqaalaha, iyo isbeddelka cimilada.

Inta uu socdo shir madaxeedka, Madaxweyne Xasan ayaa kulamo dhinac socday la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladda iyo madaxda kale ee wufuudda kala duwan, si loo xoojiyo xiriirka labada dal ee Soomaaliya, sahminta iskaashiga cusub, iyo arrimo muhiim u ah labada dal iyo gobolka.

Khudbadda uu u jeedinayo Golaha, Madaxweynuhu waxa uu u ololayn doonaa in la kordhiyo iskaashiga la dagaallanka khataraha amniga iyo in la riixo hindisayaasha xoojinaya kobaca dhaqaalaha, wax ka qabashada dhibaatooyinka cimilada iyo dardargelinta horumarka waara ee qaaradda oo dhan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale gudbin doona mawqifka hagar la’aanta ah ee Soomaaliya ee ku aaddan mabda’a asaasiga ah ee ixtiraamka madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay midnimada, nabadda iyo horumarka qaaradda.

Madaxweynaha ayaa ku celin doona mowqifka Soomaaliya ee ah in heshiis kasta oo saameynaya madax banaanida dhulkeeda uu ixtiraamayo shuruucda caalamiga ah iyo madax banaanida Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *