Saturday, April 27News That Matters

7 siyaabood ayaa loo isticmaali karaa liinta wixii ka baxsan Cunto Ku Cunida

Sidaan wada ognahay liin-dhanaantu waa midho aad u faa’ido badan nafaqooyin badana laga helo sidaasay tahay kaliya in la cuno looma isticmaalo qaabab badan ayaa loo isticmaalaa iyadoo xataa laga sameeyo maadooyinka wax lagu nadiifiyo iyo kereemada wajiga iyo maqaarka intiisa kale.

Haddaba waxa jira qaabab badan oo liin dhanaanta looga faa’ideysto oo dhanka nadaafada ah gaar ahaan guriga marka la nadiifinayo, sidoo kale urta qadhmuun ee bulaacadaha ayay baabisa si kastaba ha ahaate hoos ka akhriso qaabab wax ku ool ah oo liinta aad u isticmaali kartid adigoo gurigaaga ku nadiifinaya.

Kaga saar urta xun Guriga Liin-Dhanaanta

Liin dhanaan oo inta la tuujiyey oo cusbo lagu daray waxay samaysaa waxyaalo yaab leh oo meesha ka saaraya urta xun waxayna ka tagtaa udgoon cusub oo dabiici ah.

  1. La tacaal urta aan fiicnayn ee bullaacadaha adiga oo si fudud casiir ka soo tuujinaya 1 liin ah hoos jikada ama qulqulka musqusha aad ku dhaqayso si urta aad u dabar goyso.
  2. Dib u cusboonaysii weelka iyo digsiyada aad wax ku kariso iyo koobabka casaaday ee saabuuntu ka goyn wayday wasakhda – mayr weelka oo ku saydh biyo diiran oo liin dhanaan leh ama ku dhaq. U dhaaf 10 daqiiqo, ka dibna ku dhaq oo ku xoq gudaha nus liin, ka hor inta aadan weel xarayn.

Ku Nadiifi Daaqadaha, Muraayadaha Liin-Dhanaanta

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu wanaagsan ee ku saabsan liin dhanaanta waa in aysan ka tagin wax hadhaa ah oo wasakh ah meesha aad halmar marisa way dhalaalaysa sida muraayadii oo kale.

  1. 1. Ku shub caagada spray-ga oo madhan intan Biyo ka ka kooban ½ gallon oo biyo ah iyo ¼ koob oo liin cusub la tuujiyey. Tani waxay muraayadda ka dhigi doontaa mid dhalaalaya oo nadiif ah.
  2. Haddii aad aragto muraayada daaqada oo faro ku sawiran yihiin ama caruurtu ay dufan mariyeen isticmaal dhawr dhibcood oo liin ah maro ku qoy microfibre nadiif ah kadib ku masax muraayada si tartiib ah. Wax raad ah ma jiri doono oo aagga ayaa noqon doona mid udgoon badan oo muraayaduna mid dhalaalaysa ayay noqon doontaa.

Gacmaha ur Maka Dareenta Markaad Raashin Karinayso?

Toonta, basasha iyo kalluunku waa maaddooyin wax lagu kariyo oo aad u fiican, laakiin ur aan la jeclaysan ayay leeyihiin oo aan fiicnayn in bulshada lagu dhex galo. Markaad diyaarinayso cunto ay ku jiraan maaddooyin dhadhan xoog leh ka saar urta gacmahaaga adigoo ku xoqaya farahaaga iyo calaacalaha qayb yar oo liin ah intaas kadib basal iyo toon ama kaluun midnaba lagaa urin maayo. Horseed News

Tuubooyinka Qubayska Ee Wasakhdu Ma Muuqato Iyo Digsiyada Wax Lagu Kariyo Ee Ayaguna Madoobaaday Liin Ku Dhalaali

Liin dhanaantu waxa ay ka nadiifisaa xabagta dheryaha ku dhagta, dheryaha wax lagu kariyo, iyo tubooyinka qubayska. Waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad sameyso waa ku mil ama ku qas ½ koob oo liin cusub la tuujiyey 2 koob oo biyo ah. Ku shub dheriga, u daa sidan oo kale 10-15 daqiiqo ka dibna karkari dareeraha. Demi kulaylka oo ka xoq xabagta adigoo adeegsanaya biyaha kulul ee liinta digniin galoofis adag ka xidho kulaylka aysiidha wata ee liinta. Qalabka qubeyska waxaad kaliya ku xoqi kartaa liin badhkeed, u daa sidaa 10 daqiiqo ka dibna xoq waxad arki natiijo wanaagsan inshaa allah. Horseednews.com

Saxanka Qubeyska iyo Wasaqda Ku Dhagta

Haddii weelka weelka, ama saxanka musqusha ay leeyihiin wasakh huruud ah oo ka yimaadda biyaha, qaado liinta badhkeed iyo xoogaa milix ah. Si siman milixda ugu daadi dusha sare ka dibna u isticmaal liin badhkii sidii isbuunyo. Dusha xoq oo biyo raaci. Liin dhanaantu waxay nadiifin doontaa oogada milixduna waxay kaa caawin doontaa inaad si dhakhso leh wasakhda uga saarto saxanka qubayska ama musqusha.

Isticmaalka ku nadiifinta fudud ee liinta waxay kuu ogolaaneysaa inaad gaarto natiijooyin nadiif ah oo qumman, adigoon isticmaalin kiimikooyin adag oo dhibaato kusoo gaadhsiin kara.

Guntii iyo gaba-gabadii waxan rajeynayaa inaad ka faa’ideysateen mawduucan kooban ee ku saabsan sida liinta loogu nadiifiyo guryaha, Horseed News Marwalba Waxay ugu Jirtaa Sidii bulshada ay ugu tabin lahayd mawduucyo noloshooda horumarinaya Lawadaag Asxaabtada iyo Ehelkaaga Mahadsanidiin.

By Horseed News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *