Saturday, April 27News That Matters

Sida Loo Noqdo Qof Caqli Badan Oo Dadku Mahadiyaan

Daraasad uu hogaaminayay borofisar suuqgeyneed oo ka tirsan jaamacadda Boston Carey Morewedge ayaa ogaatay in “dadku ay isticmaalaan xawaaraha dhaqdhaqaaqa si ay u ogaadaan jiritaanka maskaxda ee dadka kale iyagoo raadinaya wixii ay ku xukumi lahaayeen doqon mise fariid.” 

Markaa haddii aad si deg-deg ah u socotid ama aad ka gaabiso marka loo eego dadka kugu xeeran xawaaraha ay ku socdaan, waxay u malaynayaan inaad doqon tahay oo aad ka aqli yart ahay .

Xiro muraayado qaro weyn kuwa indhaha.

Cilmi-baaristu waxay soo jeedinaysaa in haddii aad xiran tahay muraayadaha indhaha, waxaad u muuqan doontaa mid soo jiidasho yar  laakiin aad u caqli badan . 

Waxaa intaa dheer,  nooca  muraayadaha ayaa muhiim ah: Dhumuc weyn, Sida muraayadaha proffesorada oo kale ama kuwa akhrisa ee bilaa degree ga ah run ahaantii waxad bulshada agtooda ka noqonaysa mid fariid ah oo aad u caqli badan heer mararka qaar ay talooyin ku waydiiyan halka garta iyo arrimaha qoyska xataa adiga lagu waydiin doono waxan dhihi karnaa waa cajiib. Horseednews.com

Isticmaal Luuqada Jidhka

Luuqada jidhka oo aad isticmaasha markaad hadlayso bulshada hortooda waxay kaa aamini doonan inaad tahay qof aqoon yahan ah oo iyaga ka aqli badan waxayna xaqiiqsan doonan inaad tahay mid fariid ah,

Waxanad arki doonta dadka oo xiisaynaya sheekooyinkaaga iyo agjoogaaga iyagoo danaynaya inay kula saaxiibaan xataa marka aad maqan tahay wax wanaagsan ayay kaa sheegi doonan’ Tusaale ( Waar ninkaasi waa nin aqli badan oo aqoon yahan ah) Waa marka aad maqan tahay ee ay kusoo hadal qaadaan booskii xan xun lagu xaman lahaa midaan wanaagsan ayaad kasbatay.

FG: Haka Badbadin Dadku Xoolo Ma ahan way kugu fahmayan booskii aad ka sugaysay aqli badnaan waa nin waalan baa lagu dhihi haddii aad ka badbadiso.

Dadka indhaha ka fiiri.

Qofka oo indhihiisa aad eegta markaad la hadlayso waxay tusinaysaa shaqsigaas inaad tahay qof aad u aqli badan oo isku kalsoon, halka hadii qofka indhaha aanad u dhameystiri karin ay tahay calaamada koobaad ee ay kugu ogaanayaan inaad tahay qof bilaa kalsooni ah. Horseednews.com

Cilmi Baadhis La sameeyay 2007 dii ayaa lagu ogaaday marka qofka kula hadlaya ama aad lahadlayso indhihiisa aad eegayso ay kor u qaado aaminaada ay kaa aaminayaan inaad tahay mid aqli badan oo farta ka xidhan, iska jir qofka markaad indhihiisa eegayso taas macnaheegu maahan inaad ku talax tagto sidii adoon bani aadam arag taas dadku way kaa cabsoonayaan ee si caadi ah qofka indhihiisa u eeg marmarna hareeraha iyo qofka gadaashiis yara fiir laakiin qofka haku qalajin eegista.

Si fiican u labbiso.

Inaad sifiican u labisato waxay tusinaysa dhamaan deegaanka aad ku nooshahay bulshada kugula nool inaad tahay qof aqli badan oo aqoon yahan ah.

Daraasado badan oo la sameeyay ayaa daaha ka qaaday qofku markuu sifiican u labisan yahay inay dadku u maleeyan xataa ayaga inuu ka aqli badan yahay laakiin bishuruud waa inaad labis caadi ah ku labisan tahay oo aan ahayn dharkan jeex-jeexan ee dhalintu xidhato hadaad dumar tahayna dhar aan kugu dhanayn ku labiso, Markaas dadka agtooda waxad ku yeelanaysa sharaf iyo maamuus.

Guul Baan Kuu Rajaynaya Haddii aad ka faa’idey lawadaag asxaabtaada Mahadsanid.

By Horseed News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *